Harry Kane Oo Jabiyay Rikoodh Uu Thierry Henry Ka Dhigay North London Derby.

Xiddiga weerarka uga ciyaara Tottenham ee Harry Kane ayaa jabiyay rikoodhkii gool dhalinta ee uu Halyeeyga Arsenal ee Thierry Henry ka dhigay kulanka North London ee premier League.

Kane ayaa Arsenal ka dhaliyay gool rikoodhe ah kulankii ay Tottenham guuldarada 3/1 ah kala kulantay kooxda ay xafiiltamaan ee Arsenal.

Goolka ayaa ahaa midkii 44-aad ee uu ka dhaliyay kulamada North London Derby isaga oo dhaafay Halyeeyga Arsenal oo dhaliyay 43 waayihiisii ciyaareed.

Sidoo kale xiddiga Kane ayaa noqday xiddiga goolasha ugu badan ka dhaliyay Arsenal kadib markii uu gool rikoodhe ah ka dhaliyay kulankii ka dhacay Emirates.