Harry Kane Oo Heegan Buuxa Galiyay Man United & Man City, Maxaa Cusub?

Xiddiga weerarka uga ciyaara Tottenham ee Harry Kane ayaa heegan buuxa galiyay kooxaha Man United & Man City kadib markii uu diiday in uu mustaqbalkiisa u hibeeyo kooxda Tottenham ka hor suuqa xagaaga.

Tottenham ayaa ku jirta xilli ciyaareed adag iyaga oo ka hadhay tartanka Europa League sidoo kale ka baxsan boosaska loogu soo boxo tartanka champions League xilli ciyaareedka dambe.

Xiddiga ayaa qaab ciyaareed fiican ku jira xilli ciyaareedkan isaga oo dhaliyay 17 gool oo horyaalka premier League ah taas oo soo jiidatay kooxaha Man United iyo Man United.

Man City ayaa suuqa u gali doonta weeraryahan cusub xagaaga iyada oo uu Sergio Aguero ka tagi doono kooxda dhamaadka xilli ciyaareedkan xilli ay Man United raadinayso weeraryahan cusub xagaaga.

Harry Kane ayaa wax laga waydiiyay in ay tahay in uu isaga tago Tottenham hadii uu doonayo in uu koobab ku guulaysto waxana uu yidhi”Waxan u malaynayaa in ay tahay su’aal ay adagtahay in laga jawaabo haatan”.

“Haatan waxa aan kaliya doonayaa in aan diirada saaro inta ka dhiman xilli ciyaareedkan kadib waan arki doonaa waxa dhaca”.

Sii Akhriso: U Gaar Ah Lamaanaha: 5 Arin Oo Ay Gabadh Walba Uga Baaantahay Ninka, Wax Ka Ogow.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*