Harry Kane Oo Cusbo Sii Mariyey Nabarrada Xanuunka Badan Ee Man United Xilli Uu Soo Bandhigay Xeeladdii Ay Ku Dileen Red Devils

Weeraryahanka reer England ee Harry Kane ayaa qirtay, in isaga iyo ciyaartoyda kooxdiisa Bayern Munich ay kalsooni buuxda ku qabeen in ay Manchester United garaaci doonaan, iyaga oo adeegsanaya weerarro rogaal-celis degdeg ah iyo kubadda oo ay ka hayaan, isla markaana ay xaqiijiyeen kalsoonidooda oo ay 1-0 kaga badiyeen.

Bayern Munich ayaa tartanka Champions League ka cidhib-tirtay Manchester United waxaana goolka madiga ah ee guusha siiyey kooxda tababare Thomas Tuchel dhaliyey Kingsley Coman.

Waxa rajada Manchester United sii dilay FC Copenhagen oo ka adkaatay Galatasaray una soo baxday wareegga 16ka, halka kooxda reer Turkey ay iyaduna iska xaadirisay tartanka Europa League.

Harry Kane oo xagaagii ay Bayern Munich ku iibsatay £82 milyan oo Gini iyadoo si weyn loola xidhiidhinayay Manchester United, ayaa noqday hogaamiyaha Bavaria waxaana 20 ciyaarood oo uu u saftay uu u dhaliyey 22 gool.

Telefishanka TNT Sports ayuu Harry Kane u warramay kaddib ciyaartii xalay, waxaana uu yidhi: “Waxa aan dareemay in aanu ciyaarta maamulayno, waxaanan helay fursado fiican. Waxa aanu u ciyaaraynay si deggen, balse waxa aanu ogeyn in aanu weerarrada degdegga ah ku dili karayno iyaga. Mar walba way adag tahay marka aad ugu sarrayso group-ka ee aad soo baxday, laakiin waxay noo ahayd dhiirigelin fiican, wayna noo wanaagsanayd in aanu guuleysano.”

Kane ayaa ahaa ciyaartoyga kubadda difaaca u dhaafiyey Coman oo isaguna si xarrago leh u dhamaystiray, waxaana uu xiddiga reer England qirtay in uu si fiican ula qabsaday Bayern Munich oo uu rajaynayo inay ku guuleystaan Champions League.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga