Harry Kane Oo Arsenal U Diray Tartan Horyaalka Premier League Ah Kadib Bar-Barihii Bayern.

Harry Kane ayaa sheegay in ay adkaan doonto in kooxda Fiican ee Arsenal ay horyaalka u lumiso kooxaha Liverpool iyo Man City xilli ciyaareedkan.

Gunners, ayaa hadda la dhibco ah Liverpool, halka Man City ay hal dhibic ka sarreyso, waxayna tartan saddex geesood ah ugu jiraan horyaalka premier League.

“Sanadkii hore way fiicnaayeen laakiin way ku fashilmeen in ay ku guulaystaan horyaalka”ayuu Kane yidi.

Markii la weydiiyay hadii uu aaminsan yahay in Arsenal ay kor u qaadi karto koobka Premier League xilli ciyaareedkan, Kane wuxuu yiri: ‘Waxay noqon doontaa mid adag laakiin ma jirto cid garanaysa”.

Arsenal ayaa sidoo kale xilli ciyaareedkan u tartamaysa champions League iyaga oo bar-baro la galay Bayern Munich kulankii lugta 1-aad ee tartanka.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga