Harry Kane Mise Erling Haaland? Rio Ferdinand Oo Sheegay Xiddig Ay Man City U Dhaqaaqi Doonto & Sababta Oo Uu Sharaxay.

Halyeeyga Kooxda Man United ee Rio Ferdinand ayaa sheegay in uu Harry Kane lumiyay fursadii uu ugu biiri lahaa Man City isaga oo rumaysan in ay kooxda Pep Guardiola haatan diirada saarayaan saxiixa xiddiga kooxda Borussia Dortmund ee Erling Haaland.

Kooxda Pep Guardiola ayaa raadinaysa weeraryahan cusub xagaaga xilli uu Sergio Aguero isaga tagi doono kooxda dhamaadka xilli ciyaareedkan marka uu dhoco heshiiskiisa.

Kane oo 27 jir ah ayaaa horay loola xidhiidhinayay saxiixa Man City laakiin Tottenham ayaa xiddiga dul dhigtay lacag dhan 150 milyan oo euro xiddiga.

Rio Ferdinand oo la hadlaya BT Sport ayaa sheegay in Harry kane uu sanadihii hore ahaa xiddiga ugu cad-cad ee ay Man City u dhaqaaqi lahayd si ay ugu xoojiyaan weerarka.

Laakiin Rio Ferdinand ayaa aaminsan in xiddiga Borussia Dortmund ee Erling Haalan haatan yahay xiddiga ay Man City isha ku hayso saxiixiisa.

“Waxan u malaynayaa hal ama 2 xilli ciyaareed ka hor Harry Kane waxa uu noqon lahaa dookha 1-aad ee Man City hadii ay doonayaan weeraryahan sababta oo ah waxa uu sidoo kale ka ciyaari karaa No.10 ama weerarka tooska ah”ayyy Rio Ferdinand yidhi.

“Laakiin haatan marka la eego da’diida iyo qiimaha lagu heli karo aad ayay u badantahay”.

“Marka aad arkayso xiddigo Haaland oo kale ah waliba mustaqbal fog ku leh kubada cagta uma malaynayo in ay Man City u dhaqaaqi doonto saxiixa Kane”ayuu sii raaciyay.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*