
Markii ugu horeysay ee Marcus Rashford uu ku soo bilowdo kooxda Barcelona ayaa soo gabagabowday si xun kadib markii la badalay qaybtii nasashada ee ciyaarta.
27 jirkaan ayaa rajeynaya inuu dib u bilaabo xirfadiisa kooxda heysata horyaalka Spain ka dib markii uu amaah kaga soo biiray Manchester United xagaagii.
Rashford ayaa kulankiisii ugu horeeyay ee tartan rasmi ah soo galay qaybtii danbe ee ciyaarta kulankii ay 3/0 kaga badiyeen kooxda Real Mallorca todobaadkii hore laakiin waxa la siiyay fursad uu wacdaro ka dhigo bilawgii ciyaarta kulankii Sabtidii.
Laakiin xiddiga reer England ayaa la badalay qaybtii nasashada iyada oo Barcelona lagu hogaaminayo 2/0 kulan ka tirsanaa La Liga.
Flick ayaa wax laga waydiiyay go’aankii uu kaga saaray Rashford ciyaarta qaybtii nasashada ayaa yidhi”Waxa uu na tusay sida uu u fiicanyahay”.
“Qeybtii labaad, waxaan ku qasbanaaday inaan wax ka bedelo oo aan Raphinha soo galiyo ciyaarta Nasiib wanaag, goolkii Pedri ayaa na caawiyay”.
Be the first to comment