Hamit Altıntop Oo Magacaabay Kooxda Ugu Cad-Cad Ku Guulaysiga Champions League.

Xiddigii hore ee kooxaha Bayern Munich iyo Real Madrid ee Hamit Altıntop ayaa magacaabay kooxda ugu cad-cad ku guulaysiga champions league xilli ciyaareedkan.

Halyeeyga reer Turkey Hamit ee Altıntop ayaa sheegay in ay kooxda Man City tahay kooxda ugu cad-cad ku guulaysiga champions League xilli ciyaareedkan.

Kooxda Man City ayaa ku jirta qaab ciyaareed cajiib ah iyada oo kooxdu fursad u haysato in ay ku guulaysato dhamaan koobabka ay ka qayb galayso xilli ciyaareedkan.

Hamit Altıntop oo la hadlaya Shabakada GOL ayaa yidhi”Waxan u malaynayaa in ay Man City Tahay kooxda ugu cad-cad ku guulaysiga champions League xilli ciyaareedkan”.

“Pep Guardiola ayaa dhaman kula guulaystay Man City koobabka laakiin waxa uuna wali kula guulaysan champions League sidaas darteed waxa ay u tahay arin muhiim ah”.

“Taageere ahaan waan ku faraxsanahay isku aadka iyo kulamada ka soo baxay wareega 8 dhamaadka waxana la daawan doonaa kulamo xiiso leh”.

Sii Akhriso: Muhiim U Ah Gabadh Walba: 5 Arin Oo Uu Gacaliyahaagu Kaaga Baahanyahay Hadii Aad Doonaysid In Uu Ku Jeclaado.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*