HAMBALYO Belgiumka & Lukaku oo reebay Ronaldo & Xulkiisa Portugal & Hazardka yar oo fakiyey xulka

Abaaro 10 kii habeenimo ee waqtiga geeska afrika waxaa la baasay mid kamid ah kulamada ugu adag ee wareega 16ka koobka Uero oo ay isaga hor imanayeen xulalka Belgiumka & Portugal kaasoo lagu qabanayo magaalooyin dhowr ah oo wadamada yurub.

Portugal ayaa ku hubeysnaa xidigo caalami ah sida Ronaldo, Bruno, Bernardo & kuwo kale halka dhigooda Belgiumk aysan lafsadooda sahlaneyn waxaana ka dhex muuqday De brune, lukaku Hazard & kuwo kale labada xulka ayaa waxaan sugnaba kulankooda ugu dambeyn labaasay.

Daqiiqadihii ugu horeeyey ciyaarta waxa ay aheyd mid  aad uxiiso badneyd Portugal ayaa difaaca xirtay islamarkaana xulka belgiumka ayaa kubadii wareejinayey walow aysan jirin qatar ay ku abuureen goosha lkn 10 daqiiqo kadib Portugal ayaa si xoogan la qeybsatay kubada iyado ciyaarta noqotay mid isku dheeli tiran oo weerar & weerar celis ah.

waxa ay socotaba daqiiqadii 42aad waxaa timid fursadii ugu horeysay oo xaqiiqi ah oo Control attack ay soo dhiseen Belgiumka ayaa waxa afka hore ee goosha ka helay xidiga Thorgen hazard tuuray shuut xoogan sidaasi ayuu ku iclaamiyey goolka 1aad ee ciyaarta sidaasi ayaana lagu kala tagay gool & waxba oo qeybtii hore ee ciyaarta kaa oo Belguim ka hogaanka ku hayey .
Qeybtii dambe ee ciyaarta markii leysoo laabtay xulka Portugal waxa uu isku dayey inuu kasoo laabto natiiajada waxaana jiray fursado labada xul ay heleen gaar ahaan wiilasha Portugal oo isbadalo sameeyey soo gelinta xidigo aykamid yihiin Bruno fernandes lkn hadana mahelin wixi ay dooneyn Portugal .
Qeybii dambe wax yar markii ay socotay Belgiumka waxaa ka dhaawacmay De brune , hadaba goolkaasi ayaa Belgiumka kaga filnaaday iney Shayaadiinta ay iska xaadiriyaan wareega xiga ee 8da halka Portugal oo difaacaneysay koobka sidaasi ayku macsalaameysay koobka

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*