Halyeeyga Man United Ee Gary Neville Oo Sharaxay Sababta Ayna Man United Ugu Tartami Doonin Horyaalka Premier League Xilli Ciyaareedka Dambe.

Halyeeyga Koxoda Manchester United ee Gary Neville ayaa sheegay in ayna kooxdiisii ​​hore awood tayo oo ay ugu la tartanto kooxaha Liverpool iyo Man United horyaalka premier League xilli ciyaareedkan.

Kooxda Man United ayaa ku raaxaysatay bilow fiican oo guul leh tan ilaa markii dib loo bilaabay premier League laakiin rajadooda kaalinta 4-aad ayaa ka baxsan gacmeheeda.

Laakiin waxa ay Natiijooyin xun heleen labadii kulan ee ugu dambeeyay iyaga oo guuldaro kala kulmay chelsea Semi-finalka FA Cup-ka ka hor inta ayna bar-baro la galin West Ham.

United ayaa u baahan kaliya hal dhibic kulanka ay la ciyaarayaan Leicester axada si ay boos uga helaan champions League xilli ciyaareedka dambelaakiin Neville ayaan aaminsanayn in ay xilli ciyaareedka dambe ku tartami doonaan premier League.

“Uma maleynayo in ay kooxda Manchester United xilligan u tartami karto hanashada horyaalka xilli ciyaareedka dambe”yuu Neville u sheegay Sky Sports.

“Waxa ay u baahanyihiin saxiixyo badan oo sax ah”.

“Hadii aan cadaalad u hadalo Ole intii uu kooxda joogay waxa ay xiddiguhu sameeyeen horumar”.

“Waxan u malaynayaa in uu u baahanyahay 3 ama 4 xiddig oo cusub si uu kaalinta 2-aad ama 3-aad u geeyo kooxda”.

“Wal-walkaygu ma ahan weerarka ama khadka dhexe laakiin waa tayada xiddigaha jooga”.

“Marka aad leedahay Man United waxa ay u baahantahay weeraryahan, anigu ma lihi iibi Anthony Martial”.

“Laakiin Waxa ay u baahanyihiin weeraryahan sababta oo ah Man United waa in ay haysato 2 ama 3-da weeraryahan ee ugu fiican”.

Sii Akhriso: Guddoomiyaha Degmadda Yaaqshid Oo Isku Day Dil Ka Badbaaday.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*