Halyeeyga Liverpool Ee Stan Collymore Oo Soo Xushay Shaxdiisa Ugu Fiican Xilli Ciyaareedka.

Haatan waxa si Rasmi ah u bilowday xilli ciyaareedka horyaalka premier League waxana ay Liverpool soo afjartay sugis koobka premier League ah oo muddo 30 sano ah halka kooxaha Norwich, Watford iyo Bournemouth dhamaantood u dhaadheceen heerka 2-aad ee premier League.

Khabiirada kubada cagta iyo falanqeeyayaasha ayaa bilaabay in ay soo doortaan shaxdooda ugu fiican xilli ciyaareedka dhamaaday ee 2019/2020.

Xiddigii hore ee kooxda Liverpool Stan Collymore ayaa soo xushay shaxdiisa ugu fiican horyaalka prmeier League xilli ciyaareedka dhamaaday.

Stan Collymore ayaa shaxdiisa ka dhigay 4-3-3 waxana uu soo xushay xiddigihii qaab ciyaareedka fiican soo bandhigay xilli ciyaareedka.

Collymore ayaa xiddigaha ugu badan ka soo xushay kooxda Liverpool isaga oo ka soo xushay 5 xiddig halka uu kooxda Man City ka soo xushay 2 xiddig.

Kooxaha Sheffield United, Arsenal, Man United iyo Tottenham-na waxa uu ka soo xushay min 2 xiddig.

Hadaba Halkan Hoose kaga bogo shaxda Stan Collymore ee ugu fiican premier League.

Goolhaye: Ederson (Man City)

Daafaca: Trent Alexander-Arnold (Liverpool), Virgil van Dijk (Liverpool), Centre-back: Jack O’Connell (Sheffield United), Andy Robertson (Liverpool).

Khadka dhexe: Jordan Henderson (Liverpool), Kevin De Bruyne (Man City), Bruno Fernandes (Man Utd)

Weerarka: Sadio Mane (Liverpool), Harry Kane ( Tottenham ), Pierre-Emerick Aubameyang ( Arsenal )

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*