Halyeeyga Liverpool Ee John Barnes Oo Ka Hadlay Gool Dhalin La’aanta Roberto Firmino.

Halyeeyga kooxda Liverpool ee John Barnes ayaa ka hadlay gool dhalin la’aanta weeraryahanka kooxda Roberto Firmino ee Liverpool.

Xiddiga reer Brazil ayaan wax gool ah dhalin 14-kii kulan ee ugu dambeeyay isaga oo ku dhibaatoonaya gool dhalinta inkasta oo uu si joogto ah ugu ciyaaro kooxda.

John Barnes oo la wadyiiyay in gool dhalin la’aanta Firmino dhibaato u tahay Liverpool ayaa yidhi”Maya, doorka Firmino wuu ka duwanyahay xiddigaha kale, kumana qasbana in uu goolla dhaliyo waxana xaqiiqo ah in uu kooxda u keeno wax ka badan goolal”.

“Waxa uu taageeraa xiddigaha Mohamed Salah Iyo Sadio Mane waxana uu kooxd u hayaa shaqo fiican oo cadaatay xilli ciyaareedkii hore”.

Sii Akhriso: Maxaa Iska Badalaya Heshiiskii Somaliland & Khaatumo?

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*