Halyeeyga Kooxda Arsenal Tony Adams Oo Sharaxay Sababtii Uu Uga Soo Horjeeday Saxiixa Nicolas Pepe

Tony Adams ayaa qirtay in uuna ku raacsaneyn go’aankii ay Arsenal kula soo saxiixatay Nicolas Pepe xagaagii hore, isaga oo sheegay in 72 milyan ee ay Gunners siisay Lille in ay ku fiicnaan laheyd in ay ku horumariso boosas kale.

Xiddiga garabka ka ciyaara ee reer Ivory Coast Pepe ayaa soo muujiyay ifafaalada tayadiisa tan iyo markii uu u dhaqaaqay waqooyiga London, isagoo dhaliyay sideed gool isla markaana caawiyay 9 kale.

Laakiin saxiixa ugu qaalisan ee kooxda Arsenal ayaan wali soo bandhigin qaab ciyaareedkii uu ku soo bandhigay horyaalka France isaga oo xilli ciyaareedkiisii ugu dambeeyay ee kooxda Lille dhaliyay 23 gool iyo 11 caawin.

Adams ayaana aaminsan in ay Gunners ahayd in ay kooxdeeda ka dhex raadiso xiddigo dhanka weerarka ah haliii ay la soo saxiixatay xiddiga 25 jirka ah.

“Aad ayaan uga soo horjeeday saxiixa Pepe hadii aan runta kuu sheego sababta oo ah Bukayo Saka ayaa kooxda 1-aad u soo dalacayay, waxa jooga xiddiga Eddie Nketiah, Reiss Nelson, Gabriel Martinelli”ayuu Adams u sheegay Stadium Astro.

“Waxa aan haysanay xiddigo da’yar ah oo badan kuwaas oo u baahan in ay ciyaaraan kadib waxa ay 72 milyan kula soo saxiixatay Pepe waxa aan qabay in ay ahayd in si kale loo isticmaalo boosas kale oo kooxda ahna lagu xoojiyo”.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*