Halyeeyada Man United & Arsenal Ee Paul Merson & Andy Cole Oo Isku Khilaafsan Boosaska Ay Arsenal & Man United Kaga Dhamaysan Karaan premier League

Halyeeyga Kooxda Arsenal ee Paul Merson Iyo Halyeeyga Man United ee Andy Cole ayaa isku khilaafsan boosaska ay kooxaha Arsenal iyo Man United kaga dhamaysan karaan horyaalka premier League xilli ciyaareedkan.

Kooxaha Man United iyo Arsenal ayaa guulo ku bilowday horyaalka premier League xilli ciyaareedkan kadib markii ay guulo ka gaadheen kooxaha chelsea iyo Newcastle.

Gunners ayaa 1/0 ku garaacday kooxda Newcast United iyaga oo uu goolka kaliya u dhaliyay xiddiga Pierre-Emerick Aubameyang halka ay Man United xasuuq u gaysatay kooxda Chelsea.

Cole & Merson ayaa isku raacay in ayna kooxohoodii hore u tartami horyaalka premier League xilli ciyaareedkan

Laakiin Andy Cole ayaa sheegay in ay Man United ku dhamaysan doonto 4-ta boos ee ugu sareeya horyaalka premier League laakiin ay Arsenal seegi doonto kaalmaha ugu sareeya premier League laakiin waa hadii ayna Tottenham iska iibin Christian Eriksen”.

Advertisements

“Waa arin waalan in aan bilowga xilli ciyaareedka ka hadalno kooxaha ku dhamaysan doona 4-ta boos ee ugu sareeya”ayuu Cole sii raaciyay.

“Laakiin Man United ayaa ku dhamaysan doonta 4-ta boos ee ugu sareeya, hadii ay Tottenham iska iibiso Christian Eriksen Way dhibaatoon doontaa”.

Merson ayaa Ku raacay in hadii ay Tottenham iska iibiso Eriksen in ay dhibaato ku noqon doonto rajadooda u soo bixitaanka champions League xilli ciyaareedka dambe.

Laakiin Merson ayaa la dhacay suuqii Arsenal ee xagaagan sidaas darteed waxa uu saadaaliyay in ay Arsenal u soo bixi doonto 4-ta boos ee ugu sareeya laakiin ay Man United seegi doonto.

“Uma malaynayo in ay Arsenal ku soo bixi doonto 4-ta boos ee ugu sareeya”ayuu Merson yidhi.

“Waxan u malaynayaa in ay Arsenal Man United ku garaaci doonto booskaas 4-aad”.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*