Halyeey Liverpool Ah Oo Saamaynta Diogo Jota Bar-Bar Dhigay Saamayntii Mohamed Salah.

Halyeeyga kooxda Liverpool ee John Aldridge ayaa amaanay qaab ciyaareedka xiddiga kooxda Liverpool ee Diogo Jota kadib markii uu si cajiib ah ku bilowday xirfadiisa Reds.

Jota ayaa si deg-deg ah ula qabsaday qaab ciyaareedka Liverpool kadib markii uu 41 milyan oo euro ugaga soo wareegay kooxda Wolves suuqii xagaaga.

Diogo ayaa ilaa haatan ciyaaray 12 kulan waxana uuna dhaliyay 8 gool taas oo muujisay awoodiisa weerar ee fiican.

John Aldridge oo arintaas ka hadlaya ayaa yidhi”Klopp waxa ku adkaan doonta doorashada 4-ta xiddig ee weerarka wakhtiga soo socda”.

Jota waxa uu Liverpool ku yeeshay saamayn weyn lana mid ah midii uu Mohamed Salah ku yeeshay Liverpool markii uu ku soo biiray kooxda”.

“Jota waxa uu u gaajaysan yahay ciyaarista kulamada waxana uu ogyahay in ay adagtahay la tartamista 3-dia xiddig ee weerarka waxana uu doonayaa in uu ka fiicnaado”.

“Jota waxa uu samaynayaa wax uuna horay ugu samayn Wolves sababta oo ah waxa uu dareensanyahay in uu ku soo biiray koox weyn waxana uu ka faa’iidaysanayaa fursad walba oo uu helo”.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*