Halkee La Kala Marayaa Tartanka Gool Dhalinta Horyaalada Yurub Ee Kabta Dahabka Ah.

Xiddiga kooxda Barcelona Lionel Messi ayaa ku guuleystay abaalmarintiisii ​​lixaad ee Kabta Dahabka Yurub xilli ciyaareedkii hore hadana xiddiga reer Argentine ayaa doonaya in uu u tartamo abaalmarinta waliba difaacdo xilli ciyaareedkan.

Lionel Messi ayaa Abaalmarinta xiddigo badan sanadihii ugu dambeeyay kana mid yihiin Kylian Mbappe, Fabio Quagliarella & Mohamed Salah.

Dhanka kale Cristiano Ronaldo ayaa ka maqnaa tartanka gool dhalinta yurub ee kabta dahabka ah sanadkiisii ugu horeeyay ee kooxda Juventus laakiin shaki la’aan waxa uu doonayaa in uu dib u soo celiyo tartanka xilli ciyaareedkan.

Xiddiga kooxda Bayern Munich ee Robert Lewandowski ayaa hogaanka u haya tartanka gool dhalinta xilli ciyaareedkan isaga oo dhaliyay 34 gool xilli ciyaareedkan horyaalka Bundesliga.

Waxa kaalinta 2-aad ku jira xiddiga kooxda Lazio ee Ciro Immobile kaas oo dhaliyay 29 gool ilaa haatan xilli ciyaareedkan horyaalka Seier A-da.

Waxa ku xiga xiddiga kooxda RB Leipzig ee Timo Werner kaas oo dhaliyay 28 gool horyaalka Bundesliga xilli ciyaareedkan iyada oo uu ku xigo xiddiga kooxda Juventus ee Cristiano Ronaldo kaas oo dhaliyay 25 gool.

Waxa ku xiga xiddiga kooxda Borussia Dortmund ee Erling Haaland kaas oo kooxda RB Salzburg iyo Dortmund u dhaliyay 29 gool.

Hadaba Halkan Hoose Kaga Bogo Liiska xiddigaha u tartamaya kabta dahabka ah ee gool dhalinta yurub.

  1. Robert Lewandowski | Bayern Munich | 34 gool 68 dhibcood
  2. Ciro Immobile | Lazio | 29 gool 58 dhibcood
  3. Timo Werner | RB Leipzig | 28 gool 56 dhibcood
  4. Cristiano Ronaldo | Juventus | 25 gool 50 dhibcood
  5. Erling Haaland | Red Bull Salzburg/Borussia Dortmund | 29 gool 50 dhibcood
  6. Shon Weissman | Wolfsberger | 30 gool 45 dhibcood
  7. Lionel Messi | Barcelona | 22 gool 44 dhibcood
  8. Jamie Vardy | Leicester City | 21 gool 42 dhibcood
  9. Romelu Lukaku | Inter | 20 gool 40 dhibcood
  10. Pierre-Emerick Aubameyang | Arsenal | 19 gool 38 dhibcood

Kooxda.com aya xusaysa sababta uu Haaland u leeyahay 29 gool iyo 50 dhibcood in ay tahay sabab la xidhiidha in horyaalada ka baxsan 5-ta ugu waaweyn halkii gool loo xisaabiyo 1.5 dhibic sidaas darteed waxa uu 16 gool u dhaliyay Dortmund taas oo 2 dhibcood loo xisaabiyay iyo goolashii uu horay ugu soo dhaliyay kooxda Salzburg.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*