Halkee Ayuu Marayaa Baacsiga Man United Ugu Jiraan Saxiixa Hakan Calhanoglu

Man United ayaa si dhab ah u bartilmaameysaneysa Hakan Calhanoglu waxa ayna xididgaas AC Milan u bandhigeen mushaar ka sareeysa midka haatan uu ka qaato kooxdaas

Laacibkaas reer Turki ayaa hishiiskiisa San Siro waxa uu dhacayaa xagaaga dambe , waxaana jira dhowr koox kale oo baacsnaya si saxiixiisa u helaan Janauary .

United waxa ay 26 sano jirkaas u bandhigeen hishiis gaaraya 5 sano  waana mid macquul ah in laacibka uu ku qanco .

United waxa ay haatan wada xaajood wax ku ool ah kula jiraan wakiilka laacibka   waxa ayna ku rajo weyn yihiin in January ay helaan , waxa uuna diidan yahay in uu saxiixo hishiis cusub .

Hakan Calhanoglu ayaa xilli ciyaareedkaan waxa uu Milan u dhaliyay 4 gool halka afar kale uu sameeyay dhamaan tartamada uu kala qeyb galay.

 

 

 

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*