
Man United ayaa wadahadallo wax ku ool ah kula jirta Barcelona oo ay ka doonayaan in January ka helaan saxiixa Ousmane Dembele
Rabitaanka United ee laacibkaas ayaan aheyn mid qarsoon waxa ayna isku dayeen bishii October balse kuma guuleysan
Mundo Deportivo ayaa sheegeysa in arintaan ay imaaneyso xilli Barcelona dhanka kale wadahadallo furan ay kula jiraan Ousmane Dembele oo ku aadan in hishiis cusub uu saxiixo xilli dhanka kale baacsiga kooxah kale ay socdaa.
United sidoo kale waxa ay gor gortan hoose kula jiraan wakiilika Ousmane Dembele iyaga oo ka dhaadhcinaya in amaah ama toos ula wareegaan laacibka marka suuqa uu furmo ka dib
Sidaas oo ay tahay United loolan ayay kala kulmeysaa saxiixa laacibka waayo dhowr koox oo ingiriiska iyo iyo Italy ah ay doonaya Ousmane Dembele
Laacibkaan oo ka ciyaara garabka midig ayaa ah goob haatan uu Ole Guner doonayo in uu ka xoojiyo kooxdiisa United
Be the first to comment