Halkee Ayuu Ku Dambeeyay Baacsigii Ay Man United Ugu Jirtay Saxiixa Cristiano Ronaldo

Xiddigaha Cristiano Ronaldo iyo Paul Pogba ayaa lagu soo waramayaa inay isku weydaarsan karaan kooxaha xagaagan iyada oo Pogba ku laaban doono Juventus sido kale Ronaldo ku laaban karo United.

Pogba ayaa lala xidhiidhinayaa in uu isaga tagayo Man United xilli ay Red Devils ku jirto boos adag maadama uu heshiiska xiddigu dhici doono sanadka dambe.

Ronaldo ayaa dhankiisa xor noqon doona xagaaga xiddiga reer Portugal ayaana la rumaysanyahay in uu isaga tagayo kooxda Juventus.

Sida laga soo xigtay saxafiga Ian McGarry waxa jirta suurtagalnimo ay labada xiddig xagaagan isku dhaafsan karaan labada kooxood.

Labada xiddig ayaa u soo kala ciyaaray labada kooxood waxana uu mid walba raali ka yahay in uu mar kale dib ugu laabto kooxdiisii hore.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*