Halkee Ayuu Ku Dambeeyay Baacsigii Arsenal Ugu Jirtay Willian

Kooxda Arsenal ayaa lagu soo waramayaa in ay wali wadahadalo kula jiraan xiddiga kooxda chelsea ee Willian si ay u helaan saxiixiisa suuqa kala iibsiga xagaaga ee dhamaadka xilli ciyaareedkan.

Xiddiga reer Brazil ayaa chelsea kula jira heshiis ilaa dhamaadka xilli ciyaareedkan ah laakiin mustaqbalkiisa fog ee Blues ayuu shaki weyn ku jiraa.

Wargayska Bleacher Report ayaa sheegaya in ay kooxda Arsenal wadahadalo wali kula jirto xiddiga iyaga oo ay ka go’antahay in ay helaan saxiixiisa waliba diyaar u yihiin in ay miiska u saaraan mushaharka uu doonayo.

Willian ayaa la aaminsanyahay in uu doonayo heshiis 3 sano ah iyo waliba mushahar fiican oo kor u dhaafa 250 kun oo Gini todobaadkii si uu ugu biiro Gunners.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*