Halkee Ayuu Jadon Sancho Kaga Jiraa Saxiixyada Ugu Qaalisan Suuqa Man United.

Kooxda Man United ayaa xaqiijisay in ay dhamaystirtay saxiixa xiddiga kooxda Borussia Dortmund ee Jadon sancho kaas oo ay kala heshiisay kooxdiisa kadib wadahadalo muddo dheer qaatay.

Red Devils ayaa kooxda Borussia Dortmund kala heshiisay lacag dhan 77 milyan oo euro kadib wadahadalo socday muddo oo ay ku doonaysay saxiixa xiddiga garabka ka ciyaara.

Kadib heshiiskan Jadon Sancho ayaa ku biiray Liiska saxiixyada xiddigaha ugu qaalisan kooxda Man United dhanka suuqa kala iibsiga.

Jadon Sancho ayaa noqday xiddiga 3-aad ee ugu qaalisan taariikhda Man United isaga oo ka dambeeya kaliya labad axiddig ee Paul Pogba iyo Harry Maguire oo lacag qaali ah ugu soo biiray kooxda.

Hadaba Halkan Hoose Kaga Bogo Liiska xiddigaha ugu qaalisan taariikhda suuqa Man United:

  1. Paul Pogba: 89 milyan
  2. Harry Maguire: 80
  3. Jadon Sancho: 77
  4. Romelu Lukaku: 75
  5. Angel Di Maria: 59.7
  6. Anthony Martial: 58

Sii Akhriso: U Gaar Ah Dumarka: 4 Calaamad Oo Muujinaysa In Uu Ninku Iska Dhigayo In Uu Ku Jecelyahay Laakiin Uuna Wax Jacayl Ah Kuu Hayn.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*