Halkee Ayay Ku Dambaysay Rajadii Ay Arsenal Ka Qabtay Saxiixa Martin Odegaard

Kooxda Arsenal ayaa lagu soo waramayaa in ayna wali ka rajo dhigin saxiixa xiddiga khadka dhexe uga ciyaara kooxda Real Madrid ee Martin Odegaard xagaagan.

Xiddiga reer Norway ayaa amaah ku qaatay Arsenal qaybtii dambe ee xilli ciyaareedka isaga oo u ciyaaray kooxda 14 kulan waliba soo bandhigay qaab ciyaareed cajiib ah.

Iyada oo kooxdiisa Haatan ee Rea Madrid ku jirto xaalad dhaqaale oo adag xiddiga 22 jirka ah ayaa la filayaa in uu isaga tago kooxda Real Madrid inta lagu jiro suuqa xagaaga.

Wargayska Football.london ayaa sheegaya in ay Arsenal si gaar ah ula socoto xaalada xiddiga waliba ay doonayso in ay hesho saxiixiisa xagaagan.

Xiddiga 22 jirka ah ayay Real Madrid ku iibinaysa lacag dhan 50 milyan oo euro hadii ay hesho koox diyaar u ah in ay bixiso lacagta intaas leeg inta lagu jiro suuqa xagaagan.

Sii Akhriso: U Gaar Ah Ragga: 10-ka Tayo Ee Ay Dumarku Ku Jeclaadaan Ragga, Hadii Aad Leedahay Arimahan, Gabadhuhu Way Isku Kaa Dilayaan.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*