Halkan Arin Oo Dib U Nooleeyay Rajadii Taageerayaasha Barcelona Ee Ku Guulaysiga Horyaalka La Liga.

Tababaraha Kooxda Barcelona ee Ronald Koeman ayaa  muuqda mid soo helay kalsoonida taageerayaasha kooxda kadib natiijooyinkii ugu dambeeyay ee ay kooxdu heshay.

Sidoo kale waxa dib u soo noolaatay rajada Barcelona ee ku guulaysiga horyaalka La Liga xilli ciyaareedkan inkasta oo ay todobaadyo hore u muuqatay mid aan suurtagal ahayn.

Kooxda Barcelona ayaa heshay 23 dhibcood oo ka mid ah 27 dhibcood oo ay heli lahayd iyaga oo xitaa si xidhiidh ah u badiyay 5-tii kulan ee ugu dambeeyay.

Inkasta oo ay dhibco badan u dhexeeyaan iyaga iyo Atletico madrid oo hogaaminaya horyaalka hadana qaab ciyaareedka Koeman ayaa rajo ka siiyay taageerayaasha kooxda in ay ku guulaysan karaan horyaalka La Liga.

Bishan January ayaa ahayd mid ay kooxda Barcelona ciyaartay kulamo badnan oo marti ah waxana ay kooxdu si fiican uga soo baxday shaqdooda.

Marka aad eegto natiijooyinkii ugu dambeeyay ee Barcelona waxa la odhan karaa in ay kooxda Barcelona ku guulaysan karto horyaalka La Liga xilli ciyaareedkan.

Sii Akhriso: Kalmado Calaacal Ah Oo Qalbiga Ku Xanuujinaya.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*