“Halkan Arin Darteed Ayaan Uga Baxsaday Arsenal”:- Hector Bellerin Oo Ku Digtay Kooxdiisii Hore

Hector Bellerin ayaa shaaca ka qaaday inuu doortay inuu ka tago Arsenal xagaagan si uu koobab ugu guuleysto, kadib markii uu amaah ugu wareegay Real Betis.

26-sano jirkaan ayaa go’aansaday inuu ku biiro kooxda Manuel Pellegrini maalintii ugu dambeysay suuqa kala iibsiga isaga oo qaab amaah ah ugu biiray kooxdiisii caruurinimada.

Bellerin ayaa isaga tagay kooxda Arsenal kadib muddo dheer oo uu joogay kooxda Kadib markii uu booskiisa jootada ah waayay’.

“Waxa aan doonayay Qoraxda iyo kulaylka laakiin kooxda Betis uma iman in dalxiis laakiin waxa aan doonayaa in aan u dagaalamo booskaygda”.

“Waxa aan uga tagay Arsenal in aan koobab ku guulaysto, waanan ku faraxsanahay in aan halkan imid”ayuu hadalkiisa sii raaciyay.

Sii Akhriso: Waa maxay heerka ugu sarreeya ee jacaylka?

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*