“Halkan Arin Ayaan Rabnaa Hadii Aan Real Madrid Nahay”:-Zinedine Zidane Oo Fikirkiisa Ka Dhiibtay Mustaqbalka Lionel Messi Ee Barcelona

Tababaraha Kooxda Real Madrid ee Zinedine Zidane ayaaka hadlay wararka Lionel Messi saacadihii ugu dambeeyay la xidhiidhinaya in uu isaga tagayo kooxda Barcelona dhamaadka xilli ciyaareedkan.

Idaacada Cadena SER ayaa si lama filaan ah u sheegay saacadihii la soo dhaafay in uu Messi joojiyay wadahadaladii heshiis kordhinta ahayd ee uu kula jiray kooxda Barcelona.

Sidoo kale Lionel Messi ayaa la sheegayaa in uu kooxdiisa ku war galiyay in uu doonayo in uu isaga tago kooxda dhamaadka xilli ciyaareedkan.

Tababare Zidane ayaa ayaa arintaas wax laga waydiiyay kadib kulankii ay Los Blancos guusha ka gaadhay kooxda Getafe ee horyaalka La Liga ee ku dhamaaday 1/0.

Zidane oo arin ka hadlaya ayaa yidhi”Ma garanayo waxa dhici doona, Messi waxa uu ka ciyaaraa horyaalka La Liga, waxana aan doonaynaa in uu sii joogo horyaalka sababta oo ah waa xiddiga ugu fiican adduunka”.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*