Halka Xiddig Ee Furaha U Ah Saxiixa Chelsea Ee Jules Kounde Oo La Ogaaday.

Raadinta Chelsea ee daafaca Sevilla Jules Kounde ee suuqa xagaaga 2022 ayaa lagu soo waramayaa in ay ku xidhnaan doonto mustaqbalka xiddiga Antonio Rudiger.

Blues ayaa doonaysay saxiixa xiddiga reer France intii lagu jiray suuqii xagaaga ka hor inta ayna ugu dambayn ku fashilmin saxiixa xiddiga 22 jirka ah kadib markii ay Sevilla dalbatay 68 milyan oo euro.

Kooxda difaacanaysa champions League ee chelsea ayaa wali doonaysa saxiixa xiddiga Kounde waxana laga yaabaa in ay u dhaqaaqi doonto saxiixa xiddiga hadii uu Rudiger ka tago kooxda.

Sida laga soo xigtay La Colina de Nervion, chelsea ayaa u dhaqaaqi doonta saxiixa xiddiga Kounde suuqa January kaliya hadii ay heshiis cusub ka saxiixan waayaan xiddiga Rudiger.

Inkasta oo uu Rudiger muhiim ka yahay chelsea hadana waxa uu hal sano ka hadhay heshiiskiisa kooxda Chelsea walina heshiis cusub lama gaadhin.

Sii Akhriso: Waa maxay heerka ugu sarreeya ee jacaylka?

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*