Halka Wado Ee Uu Kylain Mbappe Heshiis Cusub Ugu Saxiixi Doono PSG Oo La Ogaaday, Ma Ahan Mid Ay Real Doonayso.

Kooxda Real Madrid ayaa lagu soo waramayaa in ay ogaatay halka wado ee uu xiddiga Kylian Mbappe heshiiska cusub ugu saxiixaya kooxda PSG xilli uu xiddiga reer France qirtay in uu doonayo in uu isaga tago kooxda.

Mbappe ayaa si weyn loola xidhiidhinayaa kooxda Real Madrid xilli uu xiddiga laftiisu dalbaday in uu isaga tago kooxda PSG si uu ugu biiro kooxda Real Madrid laakiin heshiiska ayaan dhicin.

Kooxda PSG ayaa isku dayaysay in ay heshiis cusub ka saxiixanayso xiddiga Kylian Mbappe laakiin kooxda reer France ayaa ilaa haatan ku fashilantay in ay heshiis cusub ka saxiixato xiddiga

Laakiin Saxafiga reer France ee Muddassir Hussain ayaa shaaca ka qaaday halka wado ee ay PSG heshiis cusub uga saxiixanayso tahay in ay shaqada ka caydhiso tababare Mauricio Pochettino waliba shaqada u dhiibto taabare Zinedine Zidane.

Isla wargayska Fichajes ayaa sheegaya in uu Zidane diyaar u yahay in uu noqdo tababaraha kooxda PSG hadii ay kooxdu shaqada ka caydhiso tababare Mauricio Pochettino.

Sii Akhriso: Gabadheey, Ma Jirtaa Nin Kuugu Yeedhay Kalmada “Macaan”, Ma Is Waydiinaysaa Sababta & Waxa Uu Uga Jeedo, Halkan Kaga Bogo Warbixinta Cajiibka Ah.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*