Halka Uu Torres Ka Gali Karo Shaxda Man City Marka Uu Ku Soo Biiro Kooxda.

Kooxda Man City ayaa ku dhaw saxiixa xiddiga garabka uga ciyaara kooxda Valencia ee Ferran Torres kaas oo la filayo in maanta saacadaha soo socda lagu dhawaaqo.

Ferran Torres ayaa noqon doona saxiixii ugu horeeyay ee uu Pep Guardiola sameeyo inta lagu jiro suuqa kala iibsiga xgaaagan.

Torres ayaa ah xiddig ka ciyaara garabka midig waana xiddig orod badan oo kooxda ka caawin kara in ay ilowdo xiddiga Leroy Sano oo ka tagay kooxda.

Guardiola ayaa si aad ah u doonaya in uu ku galo suuqa kala iibsiga xagaaga si uu u xoojiyo kooxdiisa kadib markii uu xilli ciyaareedkan liverpool u seegay horyaalka.

Hadaba wargayska Manchester Evening News ayaa soo saaray halka laga yaabo in uu Torres ka galo shaxda Man City hadii uu ku soo biiro.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*