Halka Uu Thiago Alcantara Ka Gali Karo Shaxda Liverpool Hadii Uu Ku Soo Biiro Reds.

Kooxda Liverpool ayaa ku sii dhawaanaysa saxiixa xiddiga khadka dhexe ee kooxda Bayern Munich ee Thiago Alcantara kaas oo lagu soo waramayo in ay dalab Rasmi ah ka gudbisay saxiixiisa.

Agaasimaha Bayern Munich ayaa sidoo kale xaqiijiyay in uu Thiago Alcantara doonayo in uu ku biiro Liverpool si uu uga hoos ciyaaro tababaraha Liveprool ee Jurgen Klopp.

Thiago Alcantara oo la xaqiijiyay in uu isaga tagi doono Bayern Munich xagaaga ayaa haatanba heshiiska shaqsiga ah la gaadhay Reds iyada oo haatan kaliya heshiiska hor taagantahay in ay labada kooxood ka heshiiyaan saxiixa xiddiga Thiago Alcantara.

Reds ayaa la sheegayaa in ay saacadihii la soo dhaafay dalab Rasmi ah oo dhan 35 milyan oo euro ka gudbisay saxiixa xiddiga reer Spain.

Hadaba wargayska Liverpool Echo ayaa soo bandhigay halka uu Thiago Alcantara ka gali karo shaxda Reds hadii uu ku soo biiro xagaaga.

How Liverpool could line up with Thiago Alcantara as Reds eye ...

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*