Sida Ay Noqon Karto Shaxda PSG Kadib Saxiixyada Ramos, Winaldum & Hakimi, Waa Shax Cabsi Leh

Kooxda PSG ayaa ugu dambayn dhamaystirtay saxiixa daafaca dhexe ee Sergio Ramos kaas oo ay maanta si Rasmi ah ugu soo bandhigtay saxaafada.

Daafaca dhexe ee Sergio Ramos ayaa qalinka ku duugay heshiis laba sano ah oo uu ku joogi doono kooxda ka dhisan caasimada France kadib markii uu ka tagay Real Madrid.

Sergio Ramos ayaa dhamaadkii xilli ciyaareedkii hore soo afjaray 16 sano oo uu joogay kooxda Real Madrid kadib markii uu dhacay heshiiskii uu kula jiray kooxda.

Sergio Ramos ayaa kooxda PSG kula biiray xiddigaha Wijanadlum iyo Hakimi kuwaas oo ah saxiixyada cusub ee kale ee ay samaysay kooxda reer France.

Saddexda xiddig ayaa kooxda PSG ka dhigaya kuwo laga qabsado marka loo eego tayada ay ku so kordhin karaan kooxda xilli ciyaareedka dambe waxana ay noqon doonaan koox si gaar ah isha loogu hayo.

Image

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*