Halka Uu Saxiixa Cusub Ee Liverpool Kostas Tsimikas Ka Gali Karo Shaxda Reds

Kooxda Liverpool ayaa xalay ku dhawaaqday saxiixa xiddiga Kostas Tsimikas kaas oo ay kala soo wareegtay kooxda Olympiacos.

Kostas Tsimikas oo 24 jir ah ayaa noqday saxiixii ugu horeeyay ee kooxda Liverpool suuqa xagaagan isaga oo kooxda u saxiixay heshiis 5 sano ah.

Kostas Tsimikas ayaa la filayaa in uu tartan adag la galo xiddiga Andy Robertson kaas oo aan sanadihii ugu dambeeyay haysan xiddig nasin kara.

Kostas Tsimikas ayaa qaab ciyaareed cajiib ah ku soo bandhigay kooxdiisii hore waxana la filayaa in uu Robertson si xoogan ugula tartamo booska daafaca bidix.

Laakiin waxa si weyn loo filayaa sidoo kale in uu ka dambeeyo Robertson inta uu taamka yahay qaab ciyaareedka fiicana ku jiro.

Wargayska Sports Mole ayaa soo saaray halka uu Kostas Tsimikas Ka gali karo shaxda Liverpool xilli ciyaareedka dambe.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*