Halka Uu Nathan Ake Ka Gali Karo Shaxda Man City

Kooxda Man City ayaa qarka u saaran saxiixa daafaca Kooxda Bournemouth ee Nathan Ake kaas oo noqon doona xiddig Man City ah maalmaha soo socda.

Man City ayaa kooxda Bournemouth kala heshiisay saxiixa xiddiga Nathan Ake waxana haatan ka hadhay heshiiska in ay heshiiska shaqsiga ah la gaadho daafaca iyo in uu tijaabada caafimaadka u maro kooxda.

Man City ayaa si weyn uga dhibaatootay dhanka daafaca tan ilaa markii uu kooxda ka tagay kabtankeeda Vincent Kompany waxana ay doonaysaa in ay booskiisa ku buuxiso xiddiga 25 jirka ah ee Nathan Ake.

Nathan Ake ayaa ah xiddig khibrad fiican u leh premier League isaga oo u soo ciyaaray kooxaha chelsea iyo Bourenmouth isaga oo waliba si joogto ah ugu ciyaarayay kooxda Bournemouth labadii xilli ciyaareed ee ugu dambeeyay.

Xiddiga reer Holland ayaa la filayaa in uu si toos ah ugu soo boxo daafaca Man City booskana kala boxo xiddigaha Nicolás Otamendi, Eric Garcia iyo Jonh Stones kuwaas oo ah xiddigaha daafaca dhexe ka ciyaara.

Nathan Ake ayaa la filayaa in uu ka garab ciyaaro xiddiga Laporte kaas oo ah xiddiga ugu muhiimsan daafaca kooxda Man City

Sii Akhriso: Itoobiya Oo Ka Digtay Sal Dhiga Militari Ee Ay Masar Ka Doonayso Somaliland, Maxay Tahay Sababtu.

Laacib.net

1 Comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*