Halka Uu Mason Mount Ka Gali Karo Shaxda Liverpool Hadii Uu Ku Biiro.

Kooxda Liverpool ayaa xiiso dhab ah u qabta saxiixa xiddiga khadka dhexe ee Kooxda chelsea kadib markii ay wadahadladii heshiis kordhinta ee chelsea joogsadeen.

Marka la eego in ay Liverpool suuqa u gali doonto xiddig khadka dhexe ah waxa laga yaabaa in ay Kooxda Klopp hesho xiddiga hadii uuna heshiis cusub u saxiixin chelsea.

Mason Mount ayaa ah xiddig tayo leh waliba si weyn u anfacaya Liverpool haatan iyo waliba mustaqbalka fog hadii uu ku biiro.

Hadaba waxa la soo saaray halka uu Mason Mount ka gali karo shaxda Liverpool hadii uu ku biiro kooxda Liverpool suuqa soo socda.

Xiddiga Mason Mount ayaa khadka dhexe ee Liverpool ku wehelin doona xiddiga Thiago oo haatan ah xiddiga ugu fiican Liverpool.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*