Halka Uu Lisandro Martinez Ka Gali karo Shaxda Man United Kadib Markii Uu Ku Biiray Red Devils.

Kooxda Man United ayaa xaqiijisay in ay dhamaystirtay saxiixa xiddiga Lisandro Martinez kaas oo ay kala soo wareegtay kooxda Ajax.

Lisandro Martinez Ayaa noqday saxiixii 3-aad ee kooxda Man United suuqa xagaaga iyada oo uu Erik Ten Hag dhisayo koox u tartanta koobabka xilli ciyaareedka dambe.

Xiddiga Lisandro Martinez ayaa Old Trafford kula midoobaya tababarihiisii hore ee Erik Ten Hag kaas oo uu la shaqeeyay xilli ciyaareedkii hore.

Xiddiga Lisandro Martinez ayaa ah xiddig ku fiican ka ciyaarista boosas badan gaar ahaan daafaca dhexe, khadka dhexe iyo waliba daafaca Bidix.

Si kasta ha ahaatee booskiisa ugu fiican ayaa ah daafaca dhexe waana sababta uu Erik Ten Hag u soo iibsanayo xiddigiisii hore.

Wargayska Mirror ayaa soo bandhigay halka uu Lisandro Martinez ka gali karo shaxda Man United xilli ciyaareedka cusub.

1 Comment

Comments are closed.