Halka Uu Lionel Messi Ka Gali Karo Shaxda PSG hadii Uu Ku Biiro Kooxda Xagaaga.

Waxa jirta suurtagalnimo aad u sii kordhaysa oo ah in uu Lionel Messi isaga tagi doono Barcelona marka uu dhoco heshiiskiisa kooxda Barcelona 30 bisha June Taas oo heegan buuxa galisay kooxo badan iyada oo ay ka mid yihiin PSG iyo Man City.

Wargayska MARCA ayaa diirada saaray kooxda PSG kuwaas oo lala xidhiidhinayo xiddiga Neymar xilli uu Messi la midoobi karo saaxiibkiisii hore ee Neymar.

Hadaba wargayska MARCA ayaa soo saaray saddex qaab oo ay noqon karto shaxda kooxda PSG hadii uu Messi ku biiro kooxda PSG Xagaaga:

Shaxda 1-aad:

Shaxda ugu horaysa ayaa la arki doonaa in ay iska garab ciyaaraan xiddigaha Messi, Mbappe iyo Neymar  halka uu xiddiga Andre Herrer ka taageeri doono khadka dhexe iyad aoo xiddigaha Leandro Paredes & Marco Verratti Ka ciyaari doonaan khadka dhexe ee daafaca.

Shaxda 2-aad:

Shaxdan PSG hadii ay PSG sii haysato Xiddiga Icardi waxa ay PSG ku ciyaari kartaa 4 weerar ah iyada oo uu xiddiga Idrissa Gueye ka ciyaari doono khadka dhexe.

Messi ayaa noqon doona xiddiga hogaamin doona hal galka maadama uu ka ciyaari doono booska uu ugu jecelyahay ee No.10.

Shaxda 3-aad:

Shaxdan ayaa la mid ah ta hore laakiin Pablo Sarbai ayaa ka ciyaari doona booska Icardi iyad aoo Mbappe laga ciyaarsiin doono weerarka tooska ah halka uu Ander Herrea ka ciyaari doono booska Gueye taas oo xiddigaha Messi iyo Neymar siin doonta xoriyad weerarka ah.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*