Halka Uu Kalidou Koulibaly Ka Gali Karo Shaxda Liverpool Xilli Ay Reds Bilowday Dadaalada Ay Ku Helayso Saxiixiisa.

Tababaraha Kooxda Liverpool ee Jurgen Klopp ayaa dib u dhis ku samayn doona kooxdiisa xagaaga kadib markii ay xilli ciyaareed xun soo qaateen ilaa haatan.

Liverpool ayaa lala xidhiidhinayaa daafaca dhexe ee kooxda Napoli ee Kalidou Koulibaly kaas oo uu doonayo in uu xilli ciyaareedka dambe ka garab ciyaarsiiyo Virgil Van Dijk.

Wararka ayaa sheegaya in ay Liverpool haatanba bilowday dadaalada ay doonayso in ay kula soo saxiixato daafaca dhexe ee Kalidou Koulibaly marka uu furmo suuqa kala iibsiga xagaaga.

Klopp ayaa xilli ciyaareedka dambe u soo gali doona sidii uu kooxdiisa ugu hogaamin lahaa ku guulaysiga horyaalka premier League maadama ay xilli ciyaareedkan u waayeen kooxda Man City.

Hadaba wargayska Express Sport ayaa soo bandhigay shaxda laga yaabo in ay Liverpool ku ciyaarto xilli ciyaareedka dambe hadii uu Klopp helo saxiixa daafaca dhexe ee Kalidou Koulibaly.

Goolhayaha – Alisson

Daafaca – Alexander-Arnold, Koulibaly, Van Dijk, Robertson

Khadka Dhexe – Henderson, Fabinho, Thiago

Weerarka – Salah, Jota, Mane

Sii Akhriso: U Gaar Ah Lamaanaha: 5 Arin Oo Ay Gabadh Walba Uga Baaantahay Ninka, Wax Ka Ogow.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*