Halka Uu Georginio Wijnaldum Ka Gali Karo Shaxda PSG Kadib Markii Uu Ka Doortay Barcelona.

Kooxda PSG ayaa si Rasmi ah ugu dhawaaqday saxiixa xiddiga khadka dhexe ee Georginio Wijnaldum kaas oo ay kala soo wareegtay kooxda Liverpool qaab Xor Ah.

Kooxda PSG ayaa Saxiixa Georginio Wijnaldum ku garaacday kooxda Barcelona kuwaas oo muddo dheer lala xidhiidhinayay xiddiga khadka dhexe ee reer France.

PSG ayaa maanta si Rasmi ah ugu dhawaaqday saxiixa xiddiga Georginio Wijnaldum iyaga oo ka saxiixday heshiis 3 sano ah oo uu ku joogi doono ilaa xagaaga 2024.

Kadib markii uu Georginio Wijnaldum ku biiray PSG kooxda reer France ayaa noqon doonta koox adag oo u tartami doonta koobab xilli ciyaareedka dambe iyada oo uu Georginio Wijnaldum wax weyn ku soo kordhin doono kooxda xilli ciyaareedka dambe.

Georginio Wijnaldum chose to snub Barcelona for PSG and will hope to fit in  on their path to glory | Daily Mail Online

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*