Halka Uu Gareth Bale Ka Gali Karo Shaxda Man United Hadii Uu Ku Soo Biiro Xagaagan.

Gareth Bale ayaa lagu soo waramayaa inuu si aad ah u doonayo inuu ku biiro Manchester United xagaagan waliba qaab Amaah ah kadib markii ay Red Devils ku guuldareysatay in ay la soo saxiixato Jadon Sancho xagaagan.

Waxa la aaminsanyahay in ay xagaaga dambe ku laaban doonaan xiisaha Xiddiga kooxda Borussia Dortmund taas oo keenaysa in ay xilli ciyaareedkan u baahanyihiin xiddigo garabka ka ciyaara.

Real Madrid ayaa doonaysa in ay iska fasaxdo Gareth Bale wargasyska The Sun ayaana sheegaya in uu xiddiga reer Wales u furanyahay in uu ku soo biiro premier League.

Sida caadiga ah Bale ayaa ka ciyaara garabka midig sidoo kale waxa uu ka ciyaari karaa weerarka tooska ah ee beenta ah.

Taas ayaa la macno ah in uu buuxin karo booska ay United u doonayso saxiixa xiddiga Jadon Sancho waxana uu Marcus Rashford ka ciyaari doonaa garabka midig isaga oo booska kula tartami kara Mason Greenwood.

Hadaba wargayska The Sun ayaa soo saaray sida ay noqon karto shaxda Man United hadii ay helaan Jadon Sancho.

Laacib.net

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*