
Kooxda Arsenal ayaa ku dhaw saxiixa xiddiga Khadka dhexe ee Eberechi Eze kaas oo ay kala soo wareegayso kooxda Crystal Palace.
Xiddiga Eberechi Eze ayaa wakhti hore heshiiska shaqsiga ah la gaadhay kooxda Arsenal isaga oo haatan isku diyaarinaysa in ay ku dhawaaqdo saxiixa xiddiga.
Xiddiga Eberechi Eze ayaa ah xiddig ay Arsenal u baahnayd marka la eego in ayna haysan xiddigo badan oo garabka ah oo badali kara Saka Iyo Martinelli.
Shabakada The Sun ayaa soo saartay halka uu Eberechi Eze ka gali karo shaxda Arsenal kadib markii ay dhamaystirka heshiiska.
Be the first to comment