Halka Uu Diego Costa Ka Gali Karo Shaxda Arsenal Hadii Uu Ku Soo Biiro Todobaadka Dambe.

Kooxda Arsenal ayaa si lama filaan ah suuqa January ugu dhaqaaqi doonta saxiixa xiddiga weerarka uga ciyaara kooxda Atletico Madrid ee Diego Costa.

Suuqa January ayaa furmi doona todobaadka dambe kooxaha ayaana suuqa u gali doona sidii ay u xoojin lahaayeen kooxdooda qaybta dambe ee xilli ciyaareedka.

Mikel Arteta ayaa weeraryahankii hore ee Diego Costa ka dhigtay bartilmaameedka 1-aad ee suuqa Janaury si uu ugu xoojiyo weerarkiisa.

Arsenal ayaa inta badan xilli ciyaareedkan aad ugu dhibaatootay gool dhalinta iyaga oo ka mid ah kooxaha goolasha ugu yar ka dhaliyay premier League.

Mikel Arteta ayaa Diego Costa u arka mid wax weyn ku soo kordhin kara kooxdiisa kana caawin kara in ay dhaliyaan goolal badan xilli ciyaareedkan.

Diego Costa ayaa lagu heli karaa lacag aad u jaban ama bilaash hadii ay Atletico Madrid kansasho heshiiskiisa ay bilaha yar ka hadhsan yihiin.

Hadaba wargayska Express Sport ayaa soo bandhigay halka uu Diego Costa ka gali karo shaxda Gunners hadii uu ku soo biiro marka uu furmo suuqa January.

How Arsenal could line up if they complete surprise Diego Costa Atletico Madrid transfer | Football | Sport | Express.co.uk

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*