Halka Uu Cristiano Ronaldo Ka Gali Karo Shaxda Chelsea Hadii Uu Ku Biiro Xagaaga.

Kooxda chelsea ayaa ugu cad-cad tartanka loogu jiro saxiixa xiddiga kooxda Man United ee Cristiano Ronaldo kaas oo kooxdiisa ka dalbaday in uu boxo.

Milkiilaha cusub ee chelsea ayaa wakhti hore la kulmay wakiilka Cristiano Ronaldo iyada oo laga yaabo in uu xagaaga ku biiro kooxda chelsea.

Hadii ay chelsea hesho waxa uu ka xalin doonaa dhibaatada weerarka ee chelsea haysatay sanadihii ugu dambeeyay.

Cristiano Ronaldo ayaa ah Gooldhaliye cajiib ah waxana uu si weyn u caawin doonaa kooxda Thomas Tuchel dhanka goolka hortiisa.

Chelsea ayaa sidoo kale lala xidhiidhinayaa xiddigaha Raheem Sterling & Matthijs De Ligt kuwaas oo uu Tuchel doonayo in uu ku xoojiyo kooxdiisa.

Hadii ay Blues hesho 3-daas xiddig waxa la soo saaray sida ay noqon karto shaxda Blues xilli ciyaareedka dambe.