Halka Uu Ben White Ka Gali Karo Shaxda Arsenal kadib Markii Lagu Dhawaaqay Saxiixiisa

Kooxda Arsenal ayaa ku dhawaaqday saxiixa xiddiga daafaca dhexe uga ciyaara kooxda Brighton ee Ben White kaas oo ay maanta si Rasmi ah u soo bandhigtay saxiixiisa.

Kooxda Arsenal ayaa saacadihii la soo dhaafay ku dhawaaqday saxiixa xiddiga Ben White kaas oo ay ka dhigtay saxiixeedii 3-aad ee suuqa xagaagan siina wada xoojinta kooxda.

Arsenal ayaa sidoo kale xaqiijisay in uu daafaca dhexe kooxda u qaadan doono No.4 oo uu ugu ciyaari doono kooxda 5-ta sano ee soo socota inta uu joogo kooxda.

Ben White ayaa la filayaa in uu si toos ah uga soo muuqdo shaxda Arsenal isaga oo hogaamin doona daafaca dhexe ee kooxda Arsenal bilowga xilli ciyaareedka cusub.

Wargayska Metro ayaa soo bandhigay halka uu daafaca dhexe ka gali karo shaxda Arsenal kadib markii ay kooxdu ku dhawaaqday in ay dhamaystirtay saxiixiisa

How Ben White will help Mikel Arteta speed-up his Arsenal rebuilding  project - Global Circulate

Sii Akhriso: U Gaar Ah Dumarka: Ma Doonaysaa In Uu Gacaliyahaagu Maalin Walba Kuu Qaado Jacayl Ka Weyn Midkii Hore, 5-tan Kalmad Adeegso Mar Kasta, Indhihiisa Ayuu Kaa Jeclaanayaa.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*