Halka Uu Antoine Griezmann Ka Gali Karo Shaxda Arsenal Hadii Uu Ku Soo Biiro Gunners

Kooxda Arsenal ayaa lagu soo waramayaa in ay doonayso saxiixa xiddiga weerarka uga ciyaara kooxda Barcelona ee Antoine Griezmann.

Xiddiga reer France ayaa ku dhibaatoonaya kooxda Barcelona tan ilaa markii uu ku soo biiray kooxda isaga oo aan ku bilaaban kooxda kulamadii ugu dambeeyay.

Antoine Griezmann oo xagaagii ku soo biiray kooxda Barcelona ayaa 14 gool u dhaliyay Barcelona xilli ciyaareedkan waxana uu shaki ku jiraa mustaqbalkiisa Barcelona.

Arsenal ayaa la sheegayaa in ay si gaar ah isha ugu haysa xaalka xiddiga Antoine Griezmann kaas oo laga yaabo in uu isaga tago kooxda.

Wargayska Sports Moel ayaa soo bandhigay halka uu Antoine Griezmann ka gali karo kooxda Arsenal hadii uu ku biiro suuqa xagaaga.

ARSXI w/ Griezmann

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*