Halka Koox Ee Diyaarka U Ah In Ay La Wareegto Ronaldo Oo La Ogaaday.

Kooxda Atletico Madrid ayaa lagu soo waramayaa in ay diyaar u tahay in ay u dhaqaaqdo saxiixa xiddiga Cristiano Ronaldo inta lagu jiro suuqa xagaagan.

Cristiano Ronaldo ayaa doonaya in uu isaga tago kooxda Man United si uu uga ciyaaro tartaka champions League xilli ciyaareedka dambe.

Sida laga soo xigtay wargayska AS, Atletico Madrid ayaa diyaar u ah in ay u dhaqaaqdo saxiixa xiddiga Cristiano Ronaldo kadib markii tababare Diego Simeone ogolaansho siiyay maamulka kooxda.

Cristiano Ronaldo ayaa si fiican u garanaya horyaalka la Liga waxana uu halkaas ka ciyaaray 9 sano isaga oo u ciyaaray kooxda Real Madrid.

Xiddiga ayaa lagu soo waramayaa in uu ku faraxsanyahay in uu la shaqeeyo tababare Simeone xilli ciyaareedka dambe.

Atletico Madrid ayaa dhankeeda doonaysa gool dhaliye kadib markii uu Suarez isaga tagay kooxda kadib markii uu heshiiskiisu dhacay.