Halka Dhibaato Ee Ay Man United Ka Cabanayso Ka Hor Kulanka Liverpool, Xitaa Solskjaer Ayaa Ka Hadlay.

Kooxda Man United ayaa dhibaato weyn ku qabta kubadaha karooska ah ama laadka xorta ah xilli ciyaareedkan sida cadaatay kulamadii ugu dambeeyay.

Dal-daloolada laadka xorta ah ama kooranayaasha ah ee Mna United ayaa soo if baxay kulankii ay Man United guuldarada kala kulantay Man City Semi-final-kii FA Cup-ka.

Kooxda Pep Guardiola ayaa labada gool ka dhalisay kubado la karoosay hadii ay tahay mid laad xor ah ama koorne ah.

Ole Gunnar Solskjaer Ayaa si cad u garanaya in uu u baahanyahay in uu xal u keeno dhibaatadaas ka hor kulanka ay la ciyaari doonaan Liverpool Axada dambe.

Soslkaer oo arintaas ka hadlaya ayaa yidhi”Waa arin aan doonayno in aan iska saxno waliba doonayno in aan ku fiicnaano”.

“Waan ku dhibaatoonaa kubadaas gaar ahaan marka ugu horaysa ee la tuuro waxana nalagu ciqaabay dhawr mar”ayuu sii raaciyay.

Dhibataadan ayaa ah mid ay United tahay in ay iska saxdo ka hor inta ayna Axada la ciyaarin kooxda Liverpool horyaalka premier League.

Liverpool ayaa dhibataadaas ka faa’iidaysan karta marka loo eego in ay haystaan laba xiddig oo garbaha daafaca ka ciyaara kuna fiican kubadaha karooska ah.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*