Halka Ay Ake & Torees Ka Gali Karaan Shaxda Man City.

Kooxda Man City ayaa 24 saac gudohood ku dhamaystirtay saxiixii 2-aad ee suuqa kala iibsiga xagaaga kadib markii ay xalay ku dhawaaqday saxiixa daafaca Nathan Ake.

Habeenkii ka horaysay Man City ayaa dhamaystirtay saxiixa xiddiga reer Spain ee Ferran Torres kaas oo ay kala soo wareegeen kooxda Bournemouth.

Guardiola ayaa muujiyay niyadiisa ah in uu dhiso koox koob walba ku guulaysata xilli ciyaareedka dambe isaga oo si xoogan u galay suuqa kala iibsiga.

Xiddigaha Nathan Ake & Ferran Torres ayaa ah xiddigo da’yar ah kuwaas oo mustaqbal fiican ku leh kubada cagta muddo dheerna u ciyaari doona kooxda Man City.

Hadaba halkan kaga bogo Shaxda laga yaabo in ay Man City ku ciyaarto xilli ciyaareedka dambe iyo halka ay Ake iyo Torres ka gali doonaan.

Laacib.net

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*