Halka Ay Aguero & Alaba Ka Gali Karaan Shaxda Barcelona.

Kooxda Barcelona ayaa lala xidhiidhinayaa saxiixa xiddigaha heshiiskoodu dhici doono ee Wijnaldum, Aguero & Alaba Kuwaas oo xor noqon doona dhamaadka xilli ciyaareedkan.

Barcelona ayaa doonaysa in ay xoojiso kooxdeeda xagaaga iyaga oo waliba doonaya in ay ku xoojiyaan xiddigo aanay lacag badan kaga bixin.

Kooxda ayaa ku jirta xaalad dhaqaale oo aan fiicnayn sidaas darteed waxa ay doonaysaa in ay ka faa’iidaysato xiddigaha uu heshiiskoodu dhici doono.

Xiddiga Wijnaldum ayaa haatanba go’aansaday in uu isaga tago kooxda Liverpool qaab xor ahna ugu biiro kooxda Barcelona si uu uga hoos ciyaaro tababare Ronald Koeman.

Dhanka kale xiddiga Alba ayaa isaga tagi doona kooxda Bayern Munich iyaga oo tartan adag kala kulmaya kooxda Real Madrid laakiin waxa ay doonaysaa in ay ku dagaalanto.

Dhanka kale Barcelona ayaa Aguero u doonaysa in ay ka garab ciyaarsiiso xiddiga ay isku xulka yihiin ee Lionel Messi.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*