Halka Arin ee Heshiis Kordhinta Pierre-Emerick Aubameyang Ku Xidhantahay Oo La Ogaaday.

Xiddiga weerarka uga ciyaara kooxda Arsenal ee Pierre-Emerick Aubameyang ayaa lagu soo waramayaa in uu heshiis cusub u saxiixi doono kooxda Arsenal hadii uu xiiso ka waayo kooxaha waaweyn ee reer yurub marka uu furmo suuqa xagaaga.

Weeraryahanka Gunners ayuu hal sano ka hadhay heshiiskiisa Arsenal ee haatan isaga oo ilaa haatan diidan in uu kooxda u hibeeyo mustaqbalkiisa kooxda.

Xiddiga reer Gabon ayaa la sheegayaa in uu dalbanayo lacag dhan 250 kun oo Gini todobaadkii si uu heshiis cusub ugu saxiixo kooxda.

Xiddiga 31 jirka ah ayaa lala xidhiidhinayaa kooxaha Barcelona, Inter Milan iyo Real Madrid kuwaas oo doonaya saxiixiisa.

Tababare Mikel Arteta ayaa sheegay in uu doonayo in uu haysto xiddiga isgaa oo u sheegay madaxda kooxda in ayna iibin xiddiga.

Saxafiga reer Italy ee Fabrizio Romano ayaa haatan sheegaya in uu xiddigii hore ee Borussia Dortmund heshiis cusub u saxiixi doono todobaadyada soo socda hadii uuna dalab Rasmi ah ka helin kooxaha waaweyn ee reer yurub.

Laacib.net

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*