Hal Xiddig Oo Fure U Ah Ku Biirista Lautaro Martinez Ee Arsenal Oo La Ogaaday.

Arsenal ayaa lagu soo waramayaa inay qasab ku tahay inay iska iibiso xiddiga Alexandre Lacazette ka hor inta aysan isku dayin saxiixa weeraryahanka Inter Milan Lautaro Martinez.

Gunners ayaa la sheegay inay ka fiirsanayso suurtogalnimada ay kula soo saxiixan karto xiddiga reer Argentina, kaasoo ka tagi kara kooxda Inter Milan inta lagu jiro suuqa xagaagan.

Xiddiga 23 jirka ah ayaa horay loola xidhiidhinayay kooxaha Barcelona iyo Man City kadib markii uu dhaliyay 19 gool iyo 11 caawin xilli ciyaareedkii dhamaaday.

Sida laga soo xigtay The Athletic, waxaa jira xiiso dhab ah oo ka imanaya kooxda Mikel Arteta, laakiin marka hore waa in ay kooxdu iska iibiso xiddiga Lacazette suuqa xagaagan hadii ay doonayso saxiixa xiddiga.

Lacazette ayaa dhaliyay 65 gool 170 kulan oo uu u saftay Arsenal laakiin waxa heshiiskiisa ka dhiman kaliya 11 bilood waxana uu diiday in uu heshiis cusub u saxiixo kooxda.

Sii Akhriso: U Gaar Ah Ragga: Sidee Ayaad U Xidhan Kartaa Qalbiga Gabadha Adiga Oo Aan Ku Odhan Kalamada “Waan Ku Jecelahay”. Waa Waddo Fudud.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*