Hal Arin Oo Keeni Karta In Man City U Dhaqaaqaan Saxiixa Vinicius Junior

Man City ayaa lagu waramayaa in ay u dhaqaaqaayaan saxiixa Vinicius Junior haddii ay guul ka keeni waayaan baacsiga ay ugu jiraan Haaland

City ayaa haatan kooxaha PL u hogaamneyso loolanka Haaand balse Real iyo Barca oo meesha ku jira darteed waxa ay keeneysaa in ay ka fikiaran qorshe labaad waana Vinicius Junior

Sida El Nacional sheegeyso , City si dhab ah ayay isha ugu haysaa in xagaaga u dhaqaaqaan Vinicius Junior

Vinicius Junior ayaa ku jira bandhig wacan , 15 gool ayuu dhaliyay halka 9 caawinna uu sameeyay ka dib 27 kulan oo uu Real u saftay xilli ciyaareedkaan dhamaan tartamada

Laacibkaas reer Brazil waxaa hishiiskiisa Real ka harsan sanad iyo bar balse kooxdaas caasimada ka dhisan waxa ay doonayaan in mid cusub ka saxiixdaan dhawaan

Sida muuqaneysa Haaland xagaaga waa uu ka tagayaaa kooxdiisa Dortmund waxa uuna loolanka ugu xooggan u dhaxeeyaa Real , Barca iyo City

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*