Hal Arin Oo Ay Real Madrid & Barcelona-ba Ku Fashilmeen Ka Hor Kulanka El Clasico.

Kooxaha Real Madrid & Barcelona ayaa kulanka El Clasico gali doona iyaga oo labadoodaba laga badiyay kulankii ka horeeyay is aragooda horyaalka La Liga.

Labada kooxood ee ugu tunka weyn Spain ee Real Madrid & Barcelona ayaa sabtidii la kulmay guuldarooyin lama filaan ah kadib markii ay guuldarooyin kala kulmeen kooxaha Cadiz iyo Getafe.

Kadib fasaxa xulalka Real Madrid ayaa ciyaari doonta kulamo badan sidaas darteed Zinedine Zidane ayaa go’aansaday in uu is badal ku sameeyo kooxdiisa ka hor kulanka champions league ee Shakhtar Donetsk.

Zidane ayaa go’aansaday in uu kooxdiisa is badal ku sameeyo kulankii Cadiz isaga oo daafaca Midig ku bilaabay xiddiga Nacho maadama ay dhaawac uga maqan yihiin xiddigaha Dani Carvajal iyo Alvaro Odriozola.

Daafaca Bidix Zidane ayaa ku bilaabay Marcelo isaga oo kaydka dhigay Mendy halka uu khada dhexe ku ciyaaray Isco iyada oo uu Lucas Vazquez garabka ka ciyaarsiiyay.

Zidane ayaa qaybtii dambe ku qasbanaaday in uu saaro xiddiga Isco iyo Vazquez Halka uu sidoo kale saaray xiddiga Luka Modric iyo Sergio Ramos oo dhaawacmay.

Dhanka kale Barcelona tababare Ronald Koeman ayaa dhankiisa isku arkay xaaladaas oo kale isaga oo is badal ku sameeyay shaxdiisa ka hor kulanka champions League ee Ferencvaros.

Tababare Koeman ayaa weerarkiisa ku bilaabay xiddiga Antoine Griezmann halka uu ku bilaabay xiddiga Ousmane Dembele oo aan muddo sanad ah ciyaarin Xiddigaha Sergio Busquets & Frenkie de Jong ayaan sidoo kale si fiican u ciyaarin.

Isku soo wada duuboo waxa aan odhan karnaa kooxaha Real Madrid iyo Barcelona ayaa ku fashilmay is badalkii ay sameeyeeyn ka hor kulankooda El Clasico.

Sii Akhriso: Ciidamo Badan Oo Ka Tirsan Kuwa Gaarka U Tababaran Ee Dawlada Federaalka Somaliya Oo Loo Daad-Gureeyay Magaalada Jowhar + Sabab.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*